Madaxweyne Ku Xigeenadii Hore Ee Somaliland Oo Erego Ka Dhex Bilaabay Madaxweyne Biixi Iyo Madaxda Mucaaridka + Natiijada Kulmo Ay La Yeeshen Labada Dhinac

0
718

Madaxweyne Ku Xigeenadii Hore Ee Somaliland Oo Erego Ka Dhex Bilaabay Madaxweyne Biixi Iyo Madaxda Mucaaridka + Natiijada Kulmo Ay La Yeeshen Labada Dhinac

Madaxweyne ku xigeenadii hore ee somaliland oo kala ah Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Xasan Ciise Jaamac iyo Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa hogaaminaya dedaalo la doonayo in layskugu soo dhaweeyo mucaaridka iyo muxaafidka oo ku kala fogaaday arimaha dib u dhaca doorashada.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenadii hore ee somaliland oo is xilqaamay ay go’aansadeen inay dhex galaan mucaaridka iyo muxaafidka isla markaana xal u raadiyaan waxyaabaha ay isku khilaafsan yihiin.

Madaxweyne ku xigeenadii hore ayaa waxaa ay maalintii Axadii ay la kulmeen madaxweynaha Somaliland isla markaana ay kala hadlen tabashada ay xisbiyada mucaaridku ka qabaan kominshanka doorashooyinka .

Ma cada ilaa hada go,aanka uu madaxweynuhu ka qaatey arimaha ay hor dhigeen madaxweyne ku xigeenadu balse warar hoose oo Ilaysnews.com soo gaadhaya ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu ku adkeystay go,aankiisii hore ee ahaa in aan kominshanka la kala dirin .

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenadii hore ee somaliland oo ayaa waxaa ay labadi maalmood ee ka danbeeyey Axadii ay kulamo la yeesheen madaxda xisbiyada Mucaaridka ee Waddani iyo UCID kuwaas oo la sheegay inay iyaguna gacanta ka sareen go,aankoodii hore ay ka qaateen Kominshanka doorashooyinka , isla markaana ay u cadeyeen in aaney marnaba aqbali doonin in cabashadooda la dhegaysan waayo

Ilaa hada ma cada sida uu xalku noqon doono balse waxaa ilaa hada muuqata in madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaridku aaney wax xal ah ama is afgarad ah ka gaadhin arinta Kominshanka doorashoyinka oo ay meel kala fog ka kala taagan yahiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here