Gaari qaraxyo lagu soo raray oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

0
592

Gaari qaraxyo lagu soo raray oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Ciidamada Ammaanka Baydhabo ayaa gacanta ku dhigay gaari qaraxyo lagu soo raray oo la doonayay in la geliyo gudaha magaalada Baydhabo.

Sida ay wararku sheegayaan gaarigan ayaa ka yimid deegaanka Raama Caddeey ee Gobolka Baay, halkaasoo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Darawalka waday gaariga ayaa sheegay in isagoo aan ogeyn gaarigiisa la saaray jawaan ay ku jiraan bambooyin, laguna dhex qariyay Galleey sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay in isaga oo maqan la saaray gaariga, isla markaana loo sheegay in jawaanka uu ku wareejiyo qof ku sugan Baydhabo oo Taleefankiisa la soo siinayo.

Wasiirka Amniga Koofur Galbeed Xasan Xuseen ayaa ku ammaanay ciidamada ammaanka feejignaantooda iyo qabashada bambooyinka la doonayay in la geliyo magaalada Baydhabo.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la isku diyaarinayo doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo dhowaan dhici doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here