Madaxdwaynayaasha dalalka Ethiopia iyo Eritrea oo ku soo fool leh Muqdisho

0
664

Madaxdwaynayaasha dalalka Ethiopia iyo Eritrea oo ku soo fool leh Muqdisho

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in madaxda  dalalka Ethiopia Abiy Axmed iyo Eritrea Efewerki inay imanayaan caasimada dalka ee Muqdisho.

Booqashada madaxda dalalkan oo la filayo inay yimaadaan magaalada Muqdisho berri oo Arboco ah ayaa dabajoogta kulamadii saddex geesoodka ahaa ee madaxda dalalkan ay yeelanayeen bilihii la soo dhaafay.

Kulankii ugu dambeeyay ee saddexdan hogaamiye ayaa waxaa ay ku kulmeen magaalada Gondor ee dalka  Ethiopia.

Madaxda saddexda dal ayaa hore ugu heshiiyay qodobo ay ka mid ahaayeen iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo amni.

Hase yeeshee booqashada labadan hogaamiye ee dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli ay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ka geeyeen Madaxweynaha Soomaaliya mooshin,balse illaa iyo hadda khilaaf ka taagan yahay sharci ahaanshaha mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here