LAYAAB : Magaalo Carbeed Oo Injirta Qofka Timaha Ka Gasha Lakala Siisanayo $4.5 (WAA MAGAALADEE)

0
1670

LAYAAB : Magaalo Carbeed Oo Injirta Qofka Timaha Ka Gasha Lakala Siisanayo $4.5 (WAA MAGAALADEE)

Sida laga soo sheegayo imaarada Dubai oo ka tirsan dalka imaaraadka carabta ayaa meelaha Salonka ah ee dumarka lagu qurxiyo xabadii injirta lakala siisanayaa 14 dirham una dhigmato $4.5.

Dumarka Dubai ku nool ayaa looga sheekeeyay in injirta timaha koriso sidoo kalana ka hor tagto in tinta baaba,do taasoo keentay in dumarka qaar si waali u gataan iyagoo rajeynaya in timahooda u koriso.

Meelaha Salonka ah ee Dubai ku yaalo ayaa waxay sameeyaan iney injirta xanaaneeyaan waxayna ku ridaan dhalo yar oo heer kulkeeda sareeyo si injirta u Taranto iyadoo xabadii injirta ah sicirkeeda gaaro 14 dirham.

Dhanka kale maamulka imaarada Dubai ayaa soo saaray amar ah inaan injirta laga ganacsan Karin iyagoo Salonkii lagu qabtaa lagu ganaaxayo 2000 labo kun oo dirham ganaaxaas oo badan karo hadii qofka falkiisa ku celiyo.

Hey,ada caafimaadka Dubai ayaa ka digtay in dumarka injirta adeegsadaan iyadoo sheegtay in laga qaado cudurada maqaarka taasoo ay macquul tahay in qofka injirta wataa uu u gudbiyo qoyska uu ka tirsan yahay.

Akhristow adiga $4.5 hal xabo injir maka bixin laheyd??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here