Booliska Faransiiska oo ku dhowaad kun ruux ku Xiray mudaaharaad ka dhacay magaalada Paris

0
615

Booliska Faransiiska oo ku dhowaad kun ruux ku Xiray mudaaharaad ka dhacay magaalada Paris

Booliska magaalada Paris ee caasimada Faransiiska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dibadbaxayaal watay garano jaalo ah oo ka careysan sare u kaca Shidaalka oo saameyn ku yeeshay qiimaha kale ee Nolosha.

Afhayeenka booliska ayaa u sheegay wariyeyaasha in 1,500 oo ruux ay isugu soo baxeen fagaaraha Champs Elysees oo ku yaal bartamaha magaalada Paris.

Booliska oo ka hortagaya rabshado bubrur u geysan kara magaalada ayaa waxay xabsiga u taxaabeen ku dhowaad 700 oo ruux.

Xariga dadkaan ayaa booliska sheegeen in uu yimid kadib markii lagu helay agabyo kala duwan oo ay wateen oo ay ka mid tahay baangado kuwaasi oo la doonayay in loo adeegsado falal qarbudaad keeni kara.

Qaar ka mid ah goobaha ganacsiga sida hoteelada iyo goobaha loo dalxiis tago ayaa albaabada la isugu dhuftay iyaga oo laga cabsi qabo wixii dhacay todobaadkii la soo dhaafay.

Maalinkii sabtida oo laga joogo mudo isbuuc ah ayey aheyd markii gawaari lagu gubay rabshado balaaran oo looga soo horjeedo qiimha shidaalka oo ka dhacay magaalada Paris.

Dhanka kale waxaa heegan la galiyay ciidamada amaanka iyadoo 8,000 oo ka tirsan ciidamanka booliska maanta loo daabulada caasiamada Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here