Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumaddii Hore Ee Siilaanyo Oo Maamulka Puntland U Talaabay Oo Haddanna Dib Ugu Soo Laabtay Somaliland Iyo Ujeedooyinka Loo Sibir Saarayo Soo Noqoshadiisa.

0
575

Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumaddii Hore Ee Siilaanyo Oo Maamulka Puntland U Talaabay Oo Haddanna Dib Ugu Soo Laabtay Somaliland Iyo Ujeedooyinka Loo Sibir Saarayo Soo Noqoshadiisa.

Mas’uulkan Ayaa Kasoo Jeeda Deegaanka Dhahar ee Bariga Fog Ee Gobolka Sanaag ee Somaliland oo uu Deegaan ahaan kasoo jeedo, oo Mudooyinka Dambe gacanta Puntland Galay.

December 8, 2018 (BRA-Hargeysa)-Cali Jaamac Buureed oo ka mid ahaa Wasiiraddii Xukuumaddii Siilaanyo islamarkaana Muddo dheer xilka Wasaaraddii kaluumaysiga ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha lagu daray hayay ayaa todobaadkii hore dib ugu soo laabtay Magaaladda Hargeysa kadib muddooyinkan dambe oo uu ku maqnaa Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Cali Jaamac Buureed ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Deegaanada Bari ee Gobolka Sanaag ee Somaliland gaar ahaan Dhahar oo ay maalmihii u dambeeyay ku sugnaayeen Maamulka Puntland islamarkaana uu markii u horaysa safar ku yimid Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdi-Wali Maxamed Cali Gaas, kaasi oo mashaariic horumarineed ka furay islamarkaana muddo ku sugnaa. Masuulkan ayaa islamarkii uu xilka ka dhaadhacay ee ay meesha ka baxday Xukuumadii uu ka tirsanaa ayaa waxa uu toos u tagay Maamulka Puntland halkaasi oo uu illaa hadda ku sugnaa.

Soo laabashada Masuulkan ayaa kusoo beegmaysa wakhti aad loo hadal hayo Isku shaandhayn mug leh oo uu Xukuumaddiisa ku samaynayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, lamana garanayo in masuulkan wax xil ah looga dhex wado Xukuumadda, wallow wararka qaar ay sheegayaan in Madaxweyne Biixi intii uu ku sugnaa Gobolkaasi Sanaag safarkii uu dhawaan kaga soo laabtay, in lagula taliyay inuu dib u soo magacaabo Cali Jaamac Buureed, oo sida la sheegay awood badan ku leh Deegaanka Dhahar oo ay reerkoodu degaan, lamana hubo in imaanshiyaha Masuulkani arintaasi la xidhiidho, balse waxa uu isla wakhtigii uu Madaxweynuhu kasoo laabtay Safarkaasi uu Masuulkani Guure ku soo galay Hargeysa oo uu illaa hadda joogo.

Sidoo kale majiraan xogo lagu kalsoon yahay oo si dhab ah u faah faahinaya arinta uu masuulkani markii hore u tagay maamulka Puntland oo ay Somaliland u dhaxayso muran xaga dhulka ah islamarkaana dagaalo dhiig badani ku daatay uu dhex maray, balse illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaxay inuu halkaasi u tagay arimo u gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here