Mareykanka oo sheegtay afar kamid ah xarakada Al Shabaab inay ku dileen hawlgal ay ka fuliyeen Awdheegl

0
484

Mareykanka oo sheegtay afar kamid ah xarakada Al Shabaab inay ku dileen hawlgal ay ka fuliyeen Awdheegl

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa Arbacadii ina dhaaftay Duqeyn la beegsaday saldhig Ururka Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in Duqeyntan si gaar ah loola beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom, ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay afar ka mid ah Al-Shabaab

Mareykanka qoraalkiisa kuma aanu sheegin khasaare nafeed oo soo gaaray dadka Shacabka ah ah ee ku sugan Awdheegle.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaasi oo ay fuliyeen ciidamo iskaashanaya uu ka dambeeyay kaddib markii Mareykanka iyo ciidamada saaxiibada ah ay la kulmeen weerar islamarkaana uu weerarka Awdheegle ahaa is difaacid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here