Dad gaaraya 45 ruux oo ku sumoobay caano ay cabeen oo la dhigay Isbitaalka Carmo

0
484

Dad gaaraya 45 ruux oo ku sumoobay caano ay cabeen oo la dhigay Isbitaalka Carmo

Ugu yaraan Afartan iyo shan qof ayaa la dhigay Isbitaalka Degmada Carmo ee Gobolka Bari kaddib markii ay cabeen Caano Sumeysan, sida Dhaqaatiirta ay xaqiijiyeen.

Dadka Caanaha ku sumoobay waxa ay isugu jiraan Haween iyo Carruur, waxaana ka mid ah laba Haween ah oo uur leh.

Ma jirto cid ku dhimatay, dhacdadan oo ka dhacday deegaanka Ceel Daahir oo hoostagga Degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Faadumo Cabdullahi Cadde oo ka mid ah mas’uuliyiinta Isbitaalka degmada Carmo ee Gobolka Bari ayaa sheegtay in ay inta badan la tacaaleen dadka bukaannada ah ee caanaha ku sumoobay.

Faadumo waxa ay sheegtay in Caanaha lagu sumoobay ay ku jireen Caagado lagu soo shubay, kaddibna dadka sidaas ku cabeen.

Faadumo Cabdullahi ayaa sheegtay in Magaalada Carmo ay ka billaabeen wacyi gelin la xiriirta in aan la cabin Caanaha lagu shubo caagadaha,iyada oo sheegtay in waxyeellada ugu badan ay ka dhasheen Caanaha Caagadaha ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here