Tababaraha Arsenal Unai Emery oo lagu ammaanay in uusan ka cabsan ciyaartoyda

0
594

Tababaraha Arsenal Unai Emery oo lagu ammaanay in uusan ka cabsan ciyaartoyda

Tababaraha Arsenal Unai Emery ayaa lagu ammaanay in uusan ka cabsanin in uu kursiga kaydka galiyo ciyaartoydiisa.

Waxaa sidaas qaba Ian Wright oo ah laacib horay ugu soo dheelay kooxda Arsenal, wuxuuna sheegay in tababare Emery uu leeyahay waxyaabo badan oo uu ku ammaanan yahay, go’aammada uu qaatana ay ku salaysan yihiin waxa danta u ah kooxda Arsenal.

Tababaraha Arsenal ayaan safin Mesut Ozil ciyaartii ay Axaddii Bournemouth la dheeleen, taas oo Arsenal ay ku badisay 2-1.

Arsenal oo saddex jeer oo isku xigta barbarro gashay ayaan safin Ozil ciyaartii u dambaysay ee ay badiyeen, inkastoo soddon jirkaasi uu yahay ciyaaryahanka ugu mushahaar qaalisan kooxda isaga oo toddobaad kaste qaata 350,000 oo gini.

Dhanka kalana

NewcastleLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Kooxda Newcastle ee ka dheesha Horyaalka Ingiriiska ayaa xaqiijisay guushii saddexaad ee xidhiidh ah iyadoo ka badisay kooxda Burnley.

Newcastle oo ka faa’iidaysatay habacsanaantii difaaca kooxdan ayaa hadda sidaas ku gashay kaalinta 13 ee shaxda kala horraynta Premier League-ga.

Ciyaartaasina waxay ku soo dhammaatay 2-1 ay guushu ku raacday Newcastle.

Natiijadaas ayaana u horseedaysa in Burnley ay gasho kaalinta 17, iyada oo hal dhibic ka sarraysa khadka cas ee saddexda koox ee ugu liidata Horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here