Baro Shaqsiyadda Lamaaanahaaga iyo Sida Aad Ula Dhaqmi Karto Ee Ugu Wanaagsan

0
1042

Baro Shaqsiyadda Lamaaanahaaga iyo Sida Aad Ula Dhaqmi Karto Ee Ugu Wanaagsan

hammaan waxaan dareennaa niyad jab marka aan waxwalba u sameynno dadka qalbigeenna u dhow oo aan aragno wixii aan u sameynaynay oo dhan iney ku yar yihiin oo aanuu weli qanacsaneyn, arrintaas oo dhibaato ku keenaysa xiriirkii aan qofkaa la lahayn, isla markaana aan dareemayno inaan qadarin iyo danayn la’aan aan ku hayasanno qofka, gaar ahaan marka uu yahay lamaanaha nolosha, sidaa darteed; haweenayda khabiirka ku ah xiriirada lamanaha ee la yiraahdo “Lana Mohi”, ayaa sharraxaysa noocyada ay raggu kala yihiin iyo mid kasta sida loola dhaqmo ee ugu wanaagsan, waa sida lagu farxad gelin karo ee maaha waxa aad ka fileyso.

1- Shaqsiga Caaqilka ah

Waxaad arkaysa inuu inta badan ka hadlayo caqiliga iyo garashada maalintii oo dhan uu kaala doodayo wixii aad ku fakaraysay, intaa oo kaliya maaha, inta badan wuxuu jecel yahay in la maqlo oo uu noqdo qof awood badan.

Hadaba, waxaad ogaataa qofina inaanuu madax noqon karin iyadoo aaney jirin qof uu aaminay oo noloshiisa uu u dhiibay, waxa uu u baahan yahay haweenay is dhuldhig badan oo dareensiisa inuu yahay qof sare waxa uu doonana u fulisa, ama waxa uu u baahan yahay haweenay garaadkeedu uu aad u sarreeyo oo iska dhigta qof daciif ah waqtiga ku habboon, si ay u awooddo iney ula dhaqanto, qalbigiisa u hanato.

2- Shaqsiyadda romantigga ah

Shaqsigaan waa qof dabeecaddiisa xasaasiyad badan ay leedahay, inta badan waxaa lagu yaqaannaa qofka romantigga ah deeqsinimo joogto ah, haddii uu jacayl ku dhaco aad bay u masayr badan yihiin, marnaba ma aqbalaan in nolosha lamaanahooda oo ay jecel yihiin iney dadka kale ugala sinnaadaan, waxey jecel yihiin iney noqdaan qofka ugu horreeyay uguna muhiimsan noloshooda.

Si qofka Roamntigga ah loola dhaqmo, waxa uu u baahan yahay ayaad siin kartaa waqtiga ku habboon, waxaad baraneysa waqtiga uu jacaylkaaga u baahan yahay, waqtiga uu garab istaagga doonayo oo si xoog ah uu jacaylaaga ugu baahi qabo.

3- Shaqsiyadda Furfuran

Waa qof marwalba nolosha dhanka ifaysa ka arka, safarka iyo inuu dibadda u baxo jecel, xayndaab goonni ah iyo xarko in lagu xirxiro aan ogoleyn, waa qof doonaya inuu noloshiisa ku faraxsanaado wax uu ku faraxsan yahayna uu marwalba sameeyo.

Shaqsiga furfuran waxaa adag inaad xiriir guur uu sameeyo oo si fudud kuma guursadaan, qofkaas oo kale markii aad is calafataan oo aad guursato, waxaad siineysaa xorriyad, noloshiisa ayaad u ilaalineysaa adigoo la jaanqaadaya dhaqankiisa.

4- Qof dad kale ku tiirsan

Qofka noocan oo kale ah arrimihiisa ugu yaryar xitaa naftiisa kuma tiirsana inta badan dadka kale ayuu ku tiirsan yahay.

Qofkaas oo kale waxa uu u baahan yaahy shaqsiyadda hooyanimo oo xilli kasta uu ka helo siismo joogto ah, iyada ayaa mas’uuliyadaha oo dhan dusha saaraneysa arrimahan oo dhanna gacanta ku haysata, markaa lamanaahaas oo kale, hooyo u noqo, waa marka uu calaf kuu galo.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here