Heydaha xuquuqda aadanaha oo dacwad ku soo oogay dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta

0
1061

Heydaha xuquuqda aadanaha oo dacwad ku soo oogay dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta

Hey,adaha xuquuqda aadaanaha ayaa dacwad ku soo oogay dhaxal sugaha boqortooyada Imaaraadka carabta Maxamed bin Zayid Al-Nahyan intii uu ku gudo jiray booqasho maanta oo arbaco ah uu ku gaaray wadanka Faransiiska.

Waxyaabaha ay ku eedeyeen hey,adaha dhaxal sugahan ayaa waxaa ka mid ah danbiyo dagaal iyo jirdil loo geestay dad maxaabiis oo ka dhacay dalka Yemen.

Dacwadaan ayaa waxaa gudbiyay qareen lagu magacaabo Joseph Breham, kaasi oo matalaya hey,adaha caalamiga ah ee difaaca xuquuqda aadanaha iyo xoriyatul qowlka.

Qareenkan ayaa ku eedeeyay dhaxal sugaha imaaraadka oo ah taliye ku xigeenka ciidanka qalabka sida in uu mas’uul ka yahay weeraro dad rayid ah lagu laayay oo ka dhacay gudaha Yemen.

Hey,adaha caalamiga ah ee difaaca xuquuqda aadanaha ayaa dhanka kale xaqiijiyay in Mr Nahyaan uu lahaa amarka diyaaradaha dalkiisa ay duqeymaha uga fulinayaan wadanka carbeed ee colaada sokeeye la degtay.

Dacwadaan laga gudbiyay dhaxal sugaha Imaaraadka carabta ayaa waxaa ku saxiixnaa hey,adaha Amnesty Human Rights iyo Oxfam,waxaana dhamaantood ay dalbadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad loo soo taago.

Dowladaha sacuudiga iyo Imaaraadka oo qeyb ka ah howlgalada milatari ee ka dhanka ah dagaal yahanada xuutiyiinta yemen ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay dhaleeceyn xoogan ay kala kulmayeen dagaalka ay ku taageerayaan xukuumada Sanca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here