“Ma Jirto Kursi Uu Shan Sano Isaga Fadhiyayaa Muuse Biixi, Doorasho Degdeg Ah Ayaan Ku Baaqaynaa ……” Faysal C Waraabe

0
738

“Ma Jirto Kursi Uu Shan Sano Isaga Fadhiyayaa Muuse Biixi, Doorasho Degdeg Ah Ayaan Ku Baaqaynaa ……” Faysal C Waraabe

Hargeysa (Dalmar-News):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in haddii uu sidan ku sii socdo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo sida uu hadalka u dhigay uu la iman waayo awood uu wax kaga qabto xaaladaha dalka ee Murugsan in ay ka xisbi ahaan abaabuli doonaan wax uu Guddoomiye Faysal ugu yeedhay in la iclaamiyo Doorasho wakhtigeedii ka soo hor martay oo aanu Madaxweynuhu awood u lahayn uu kursiga ku sii fadhiyo oo uu ku doodo in shan sano la doortay. Waxa uu Guddoomiye Faysal sheegay in ay dalka u bannaan tahay doorasho degdeg ah (Re-call Elections).

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Berbera ayaa waxa uu sheegay in uu si weyn u saluugsan yahay xaaladda waddanku wakhtigan ku jiro isaga oo ka dayriyey qaabka uu wax u wado Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaanu isaga oo arrintaa iyo kuwo kale ka hadlaya yidhi:

“Muuse Biixi iyo qayrkiiba ninkii wax innaga xumeeya sidaasi ayaynu isaga qaadaynaa. Codkeena ayaan ku baddalaynaa. Hadduu intaa uu joogo wax hagaajin waayo waddooyin badan oo wax lagaga qabto ayaa jira. Waa lagu fadhiisinayaa. Ma jirto shan sano ayaa la I doortoo waan fadhiyayaa iyo waxaasi ma jirto. Haddii uu shaqayn waayo intaasi oo waddo ayaa jirta oo wax lagaga qaban doono. Waxa jira wax la yidhaa (Re-call Election) doorasho degdeg ah ayaa la qaban karayaa haddii aanu aragno in aanu waxba qabanayn oo aanu tayadii lahayn. Haddii aanu aragno in aanu awood lahayn (Capacity) waanu qaban karnaa (We Will Do It).

Annagu maanta ma wada hadalno oo waad ogtihiin. Waxaan ugu taag waayay waar waddanka aan wada hagaajisano. Waar Khaatumo aan hagaajino. Waar Cali Khaliif Galaydh aan hagaajino. Waar aynu Soomaaliya iska celino. Waar bahasha aan dheelli tirno. Way ka sii raran tahay dhinac. Kuwan ku waashay beedha dhexena waxaan leeyahay waar cudurku wuu ina wada hayaaye. Beeshan dhexe ee la idinku soo koobayo Berbera, Hargeysa iyo Burco waar waxaasi diida. Illaa jasiiradda Saqadariya ayaad degtaan. Darafyo iyo beel dhexe ma nihin. Dad isku mid ah oo wada degan ayaynu nahay. Beelo ayaynu nahay isku qasan oo wada dega meel walba. Ka daaya in qofkii xun ee maamulka ah aad isku wada qaadaan. Waar qofkaa xun ee maamulka ahi wuu innaga wada xumeeyey. Ka daaya dadka la kala qaybinayo. Waxa aynu wax ku noqon karnaa midnimo. Waxa aynu wax noqon karnaa innaga oo is jecel. In aan is kala qaybino waxba tari mayso. Waa in aan doodnaa oo waxeena hagaajisanaa. Waxaan idin leeyahay ha niyad jabina” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here