Inaad Xanjo Waqti Badan Ruugto.. Khatartan Caafimaad Ayay Leedahay

0
1354

Inaad Xanjo Waqti Badan Ruugto.. Khatartan Caafimaad Ayay Leedahay

Dad badan ayaa jecel iney muddo dheer xanjada afka ku haya oo ay calaajiyaan, iyadoo dowladaha qaar dadku ay neefmareenka ku maadama ay u roon tahay, laakiin culumada caafimaadku kuma talinayaan in xanjada waqti badan afka lagu hayo oo la ruugo.

Talada ugu fiican ee aad heli karto halkan waa inaanad muddo dheer afkaaga ku haynin xanjada, muhiim maaha in raashinka kadib aad cunto, caafimaadka calooshaada ayay waxyeello u geysaneysaa waxaana ka dhalan kara caabuq ama in dhibaato ay caloosha soo gaarto.

Ku darso, inaad xanjada calaajiso xilliyada qaar waxey keentaa calool majiir, waxeyna kuu keenaysaa iney ku dibbirto caloosha oo neefi ay gasho, halka xanjooyinka aan macaanka lahayn ay calool furan keeni karaan.

Dhibootooyinka kale ee la filan karo waxaa ka mid ah iney ilkuhu kaa dhammaadaan oo dabaqada sare ee “Mina” loo yaqanno ay dhibaato soo gaarto oo ay ilkuhu qodmaan.
Sida uu qoray The Popper Times, dhibaatooyinka kale ee lama filaanka kugu noqon karaa waa saameynta taban ee aan wanaagsaneyn ee ay ku yeelan karto xasuusta, waa xasuusta waqtiga dhow.

Daraasad ay sameysay jaamacadda Waseda University ee dalka Shiinaha ayaa lagu ogaaday in xanjadu ay socodka u wanaagsan tahay, marka aad socoto oo aad calaajiso ay socodka ay kugu dhiirrigelineyso, heerka garaaca wadnaha wey kordhisaa oo faa’iido badan u dadka buurbuuran oo miisaanku uu ka dhimayo, laakiin halkan waxa laga digayo ayaa ah in muddo dheer aad afka ku hayso xanjada oo aadan afka ka saarin.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here