Daawo Sawirada : Qaabka Waftigii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Berbera

0
1583

Daawo Sawirada : Qaabka Waftigii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Berbera

Hargeysa (Dalmar-News):- -Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ku gaadhay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, waxana halkaas kusoo dhaweeyey shacabka ku dhaqan magaalada Berbera iyo nawaaxigeeda.

Wefdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha ย Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Horumarinta Beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed, iyo Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Caafimaadka, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Xuseen Aadan Cadde, iyo siyaasiyiin milgo iyo miisaan leh oo ay kamid yihiin, Ambassador Cawil Cali Ducaale, Farxaan Aadan Haybe, xildhibaanno iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsan.

Madaxweynaha iyo wefdiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn waxa si weyn loogu soo dhaweeyey dhammaanba deegaannada u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ay taagnaayeen dadweyne caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland lulaya, isla markaana muujinaya taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan hoggaaminta madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here