Maxkamad ku taal Mareykanka oo sii deysay muwaadin Somaliyed oo xirnaa

0
585

Maxkamad ku taal Mareykanka oo sii deysay muwaadin Somaliyed oo xirnaa

Maxkamad  heer Federaal ah kuna taalla Gobolka  New Hampshire ee dalka Mareykanka ayaa siideysay C/qani Faysal Xuseen.

C/qani waxaa uu 9-kii bilood ee la soo dhaafay ku xirnaa Xabsiga Strafford, halkaas oo lagu xiray Bishii March ee Sanadkii la soo dhaafay.

Garsooraha Maxkamad ku taalla Gobolkaas ayaa sheegay in C/qani uu Mareykanka si sharci ah oo qaxootinimo ah isaga dhiibay Mareykanka sanadkii 1996kii.

Waxaase la xukumay Sanadkii 2002dii markaas oo lagu qabtay isaga oo Qaad isaga kala gudbinaya gudaha Mareykanka kaas oo mamnuuc ka ah dalkaas.

Twain Braden, oo ka mid ah Qareennada u doodayay C/qani ayaa sheegay in go’aan sidan oo kale ah ay gaartay Maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka, Cabdiqanina qoyskiisa dib ula midoobay hadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here