Shirkadda “Royole FlexPai” oo Suuqyada Soo Gelisay Mobile-kii Ugu Horreysay oo Sidii Warqaddii oo Kale u Duubmaya

0
671

Shirkadda “Royole FlexPai” oo Suuqyada Soo Gelisay Mobile-kii Ugu Horreysay oo Sidii Warqaddii oo Kale u Duubmaya

Marar badan waxaan maqalnay guux badan oo ku aaddan mobile-llo smarts ah oo laalaabmi kara oo bilihii dambe dhagaheenna ku soo badanayay, wararkaas oo ay faafinayeen shirkadaha Samsung iyo Huawei oo sheegay iney soo wadaan mobilello sidii warqaddii oo kale loo laalaabi karo, sidaa darteed; labadan shirkadoodba waxaa dhankaa kaga hor martay shirkad dhawaan gal ah oo cusub oo ay dhici karto inaadan weli magaceeda maqalin, shirkaddan ayaa dhirbaaxo lama filaan ah gaarsiiyay shirkadaha teleefannada ee adduunka ugu caansan.

Shirkadda Royale oo dalka Faransiiska looga yaqanno(The Quarter Pounder Corpration), ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay ee ku guuleysatay iney suuqyada soo geliso mobile shaashad weyn oo duubmi kara, oo si dhab ah looga iibsan karo, mobile kan ayaa lagu magacaabaa Royole FlexPai.

Shirkadda Royole ayaa daaha-ka-rogtay mobile-ka FlexPai oo ah mobile-kii ugu horreyay oo la laabmi kara suuqyada soo gelisay, mobilekan ayaa shabbaha mobillada Smarts Phone-ka oo ay la socdaan qalab duubmaya oo shaashadiisu ay laabmi karto, mobile-kan ayaa waxa uu wataa shaashad AMOLED ah, taas oo qiyaastiisu ay tahay 7.8 Inch, oo sidii buugga oo kale loo laabi karo.

Mobile-ka FlexPai ayaa waxa uu ku tiirsan yahay barta (+ Royole) oo si sahlan ula jaanqaadi karta Apps badan oo dhinacyo kala duwan ka soo baxay.

Shirkadda Royole ayaa isku dayaysa iney farshaxan iyo teknoloojiyad ay kulmiso oo mobillada ay soo saareysaa ay noqdaan kuwa soo jiidasho badan.

Mobile-ka FlexPai, ayaa aad loogu ammaanay quruxdiisa, shaashaddiisa waad kala qeybsan kartaa oo howlo kala duwan aad hal-mar ku wada qaban kartaa, waxaad ka helaysaa muuqaalka oo si qurux badan aad ugu daawn karto iyo Gameka oo in lagu ciyaaro uu aad ugu fiican yahay.

Mobile-kan ayaa qaadka RAM-kiisu uu yahay 8GB, maskaxdiisu waa 128GB ama 256GB, halka kaamiradiisu ay tahay 20,16 Megapixel, taas oo loo isticmaali karo sawirrada caadiga ah ama sawirro Salfie ah aad iskaga qaadi karo, waxa uu wataa betari mAh 3800, iyo iftiinka aqoonsiga gacanta oo mobile-ka aad ku xiran karto.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here