Xaaf oo eedeyn kulul u jeediyay dowladda Federaalka “Ukumihii ay Galmudug dhigtay baa marba mid qarxaya”

0
596

Xaaf oo eedeyn kulul u jeediyay dowladda Federaalka “Ukumihii ay Galmudug dhigtay baa marba mid qarxaya”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si kulul ugu eedeeyay dowladda Federaalka inay qeyb ka tahay dhibaatooyin iyo xiisado ka jira Galmudug, kaddib markii dilal ka dhaceen deegaano ka tirsan Galmudug.

Axmed Ducaale Xaaf ayaa sheegay in waxa ka dhacaya Hobyo, Cadaado, Balanbale iyo deegaanka Afbarwaaqo uu sabab u yahay khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada

“Waxa ka dhacaya Hobyo, Cadaado, Balanbale iyo Afbarwaaqo waxaa sabab u ah khilaafka dhowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waa ukumihii ay meesha dhigeen baa marba maalin dilaaceysa, markaas baa bahal ka soo baxaya”ayuu yiri Axmed Ducaale Xaaf.

Waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay dilalka ka dhacaya deegaankaas, isagoo xusay inay ka war hayaan in dad lagu dilay.

Xaaf ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay dalka iyo umadda u naxaan, khilaafkan la sii fogeynayo aan loo baahneyn sida uu hadalka u dhigay.

“Anaga haddaan dowlad goboleedyada nahay arrinteena wax qabasho ayay laheyd, wey fogaatay, waa la fogeeyay, haddii arrintaas fogaatay la soo celin burbur baa dalka ku imaan kara Soomaali oo dhan ku imaan kara”ayuu yiri Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Maamul Goboleedyada ayaa la kulmaya culeysyo siyaasadeed iyo xaalado ka jira deegaanadooda oo ay ka mid tahay doorashooyin maamulada qaar ku soo fool leh, waxaana todobaad ka hor si lama filaan ah isku casilay Madaxweynihii Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo ku dhawaaqay inuu isaga haray tartanka doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here