Madaxda Madasha Maamul Goboleedyada oo khudbado kulkulul ku daahfuray shirka Garowe

0
787

Madaxda Madasha Maamul Goboleedyada oo khudbado kulkulul ku daahfuray shirka Garowe

Madaxda Madasha Maamul goboleedyada ee Puntland,Galmudug,Jubbaland iyo Koofurgalbeed ee shir ugag furmay Magaaladda Garowe ee Xarunta Puntland ayaa waxa ay ka soo jeediyeen khudbado kulkulul oo badankood lagu dhaliilayo dowlada federalka ah Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo marti loo ahaa khudbada uu jeediyay waxa uu ku sheegay in aysan macquul ahayn in dowlada ay xasilin weydo wadooyinka u dhexeeya caasimada Muqdisho iyo magaalooyinka Jowhar iyo Marka.

“Shirka aan maanta isugu nimid wuxuu ka koobnaan doonaa ajandayaal tira badan oo qaarkood ay yihiin kuwaan hore isaga iman jirney oo ay ugu horeeyaan amniga Soomaaliya iyo doorashooyinka, dabcan Soomaaliya weli waa dhibaataysan tahay, waxaanse rajaynaynaa in maalinba maalinta ka danbaysa ay kasii wanaagsanaato dowladnimo gaamurto, nabad gelyaduna ay hirgasho, suurta gal ma aha in Soomaaliya oo leh 26,000 kun Ciidan ah iyo kuwo ka badan oo Amisom ah ay ka adkaan waayaan tamar laawayaasha arxan laawayaasha ah ee aan lahayn tiro iyo tayo toonna” Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dhowaan qaar kamid ah xildhibaanada Galmudug ay doorteen Madaxweyne cusub oo ka hadlayay shirka magaalada Garoowe ayaa waxaa uu eedeyn u jeediyay Dowlada dhexe ee Soomaaliya.

“Waxaan u sheegayaan oo aan jeclahay inaan fariin u dhiibo madaxda federaalka, hadii gobolada gubtaan gaar ahaan Galmudug, wallaahi in aysan Xamar nabad ahaaneyn.” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa soo hadal qaaday arrimaha ammaanka, wuxuuna sheegay in dowladda ay ku fashilantay inay wax ka qabato arrimaha ammaanka, islamarkaana keliya ay ku soo aruurtay wadada Maka Al Mukarama.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in marxalada uu xiligan dalka ku sugan yahay aysan macquul ahayn qabashada doorasho qof iyo cod ah.

“Doorasho aysan nooceeda raali ka ahayn shacabka iyo madaxda Maamul goboleedyadu kama dhici doonto Soonmaaliya sanadka 2020.”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hase yeeshee Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa khudbadiisa waxa ay ahayd mid ka qabow Saddexda Madaxweyne ee kale waxana uu ka hadlay dagaalada lagula jiro Al-Shabaab isagoo ku baaqay in loo midoobo.
Sidoo kale Shariif Xasan ayaa ka hadlay arrimaha dastuurka isagoo ku taliyay in dastuurka si hoose loo eego oo si wanaagsan loogaga doodo.

Shirkan Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa markii ugu horeysay waxaan ka qeybgelin mas’uuliyiin ka socota maamulka Hirshabelle iyadoo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu yahay guddoomiye ku xigeenka Golaha Iskaashiga Dowlada Goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here