DAAWO : Madaxwaynaha Dalka Turkiga Oo Mudeeyay Wakhtiga Dawladiisu Soo Bandhigayso Cadaymaha Dilka Wariye Khashoggi

0
725

DAAWO : Madaxwaynaha Dalka Turkiga Oo Mudeeyay Wakhtiga Dawladiisu Soo Bandhigayso Cadaymaha Dilka Wariye Khashoggi

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka arimaha dibadda ee dalka Sacuudiga Jubeir ayuu ku sheegay in dilka wariye Khashoggi uu ahaa khalad aad xun, balse dhaxal sugaha Sacuudigu waxba ka ogayn kiiskaa iyo sida uu u dhacay.

War saxaafadeedkan ayaa u muuqda duur xul fariin loogu dirayo dawlada Maraykanka oo kulan dheer oo uu la qaatay xoghayaha arimaha dibadda Maraykanku dhaxal suga Sacuudiga uu u sheegay in aanuu waxba ka ogay qadiyaddaa.

War saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in boqor Salmaan amray in masuuliyadda ay qaadaan kuwii ka danbeeyey dilka Khasoggi sharcigana la mariyo.

Dilka suxufigan ayaa culays wayn oo ah mid siyaasadeed iyo ganacsiba dul saartay dalka Sacuudiga iyadda oo war saxaafadeedkan lagu sheegay in ayna waxba iska badalayn xidhiidhka u dhaxeeya Maraykanka iyo Sacuudiga.

Usbuucii ina dhaafay waxaa hoos u dhac wayni ku yimid suuqa maalgashiga sacuudiga tan iyo 2015-kii sida ay qortay reuters, iyadda oo maanta oo axada cadad dhan 4 bilayn oo riyaal ay iska xaareesheen oo ay iibiyeen maalgashiyaasha shishiiye, maal gashigii ay ku lahaayeen Sacuudiga.

Dhan kale madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in maalinta Taaltada ah ee fooda inagu soo hayso la fasaxi doono muuqaaladii iyo codadkii ay ka hayeen dilka Khashogi iyo natiijadda baadhitoonkoodii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here