Qeyb Yar oo Dayaxa Ka Mid ah oo La Kala Siistay Lacago Qaali Ah

0
817

Qeyb Yar oo Dayaxa Ka Mid ah oo La Kala Siistay Lacago Qaali Ah

Dayaxii ay horey ugu heesi jireen gabyaaga iyo suugaan yahannada, ayaa maanta waxa uu marayaa in la kala iibsado, arrintani kaftan maaha, waa xaqiiqo dhab ah oo maalmahan aan ku jirno dhacday, waxaa la iibiyay qeyb ka mid ah dayaxa oo lagu kala iibsaday xaraash furan oo ka dhacay dalka Mareykanka, waxaa la kala siistay 600 oo kun oo dolar.

Aqalka xaraashyada ee caanak ah ee la yiraahdo ee marka la soo koobo la yiraahdo “RR”  ee xaruntiisu tahay magalada Boston

City ee gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka, ayaa ku dhawaaqay in dhagaxan dayaxa ka soo dhacay lagu kala iibsaday 612-kun iyo 500 oo dolar, dhagaxan shanta qeybood ka kooban. Aqalka xaraashyada ee RR ayaa markii hore sii qiimeeyay in dhagaxani uu goyn doono lacago 500 oo kun oo dolar ah, xilliga uu go’aan saday in la iibiyo, laakiin lacagihii uu filayay mid ka badan ayaa la kala siistay.

Waxaa xusud mudan in dhagaxan laga helay sanadkii hore meel bannaan oo ku talla dalka Mauritania, waqooyi galbeed Afrika., dhagaxan ayaa la aaminsan yahay inuu ka mid yahay dhagaxaantii ugu muhiimsanaa ee dayaxa ee abid la helo, iyadoo laga dheehan karo kulaylka daran ee dhagaxa xilliga uu dhulka ku soo dhacayay.

In kasta oo aan la garanayay waqtiga saxda ah ee burburkan dayaxa uu dhulka soo gaaray, ayaa waxaa jirta in dhagaxaanta dayaxa laga yaqaanno dhagaxaanta kale ee dhulka, maadama dayaxa la tagan oo horey looga soo qaaday qeybo dhagaxdiisa ka mid ah.

 

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here