Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dhagax dhigey xarunta Baarlamaanka Hirshabelle

0
602

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dhagax dhigey xarunta Baarlamaanka Hirshabelle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo  maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowlada Goboleedka Hirshabeelle ayaa dhagax dhigey xarunta cusub ee Baarlamaanka Hirshabelle.

Wafdiga ayaa markii uu ka soo degey garoonka diyaaradaha oo ay soo gaareen magaalada Jowhar waxa ay si toos ah u tegeen xarun cusub oo loo dhisayo Baarlamaanka Hirshabelle.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dhagax dhigey  Xarunta cusub ee Baarlamaanka Hirshabelle iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen,Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed iyo xubnaha wafdiga ra’iisul Wasaare Kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here