DEG DEG : Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Si Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Afar Telefishan Oo Xalay Sii Daayey Warkii Korneyl Caarre

0
686

DEG DEG : Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Si Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Afar Telefishan Oo Xalay Sii Daayey Warkii Korneyl Caarre

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Guri-barwaaqo ayaa waxaa uu maanta kulan deg deg ah ugu yeedhay qaar ka mid ah Telefishanada Somaliland laga leeyahay kuwaas oo la sheegay inay xalay sii daayeen war uu lahaa Korneyl-ka ciidanka Somaliland ka goostey ee Siciid Cawil Korneyl Caarre.

Telefishanadan oo tiradoodu aheyd Afar ayaa waxaa ay kala yahiin Star Tv, Eryal Tv, Saab Tv Iyo Bulsho Tv, waxaana uu wasiirku ku war galiyey in Digniino hore loo jeediyey Afartan Tv oo ku saabsan waxii qaranimada dhawaacaya in aaney sii deynin.

Sidoo kale Wasiir Cabdiraxmaan Cabdillahi Guri-barwaaqo ayaa mar kale ugu baaqay in aaney sii deynin waxii ka hor imanaaya qaranimada Somaliland.

Ilaa hadda ma jiro war ka soo baxay arrimaha ay isla meel dhigeen telefishanada iyo wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Dhan kale yeedhmadan wasaaradda warfaafintu ugu yeedhay Telefishanada ayaa u muuqata mid lagu cabudhinayo warbaahinta Madax-bannaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here