Qalbi-dhagax oo si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Kismaayo+SAWIRO

0
935

Qalbi-dhagax oo si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Kismaayo+SAWIRO

Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ka mid ah Saraakiisha Ururka ONLF oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa gaaray saaka Magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah maamulka Jubbaland.

Qalbi-dhagax ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyey madax ka tirsan maamulka Jubbaland iyo dadweyne fara badan.

Hadal kooban uu Qalbi-dhagax uu warbaahinta siiyay ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu Kismaayo ku joogo, isagoo uga mahadceliyay shacabka reer Kismaayo sida ay u soo dhaweeyeen.

Madaxda Jubbaland iyo qeybaha bulshada magaalada Kismaayo ayuu kulamo la qaadan doonaa Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Waxaa uu horey booqasho ugu soo kala bixiyey magaalooyinka Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb oo ka kala tirsan maamulada Somaliland, Puntland iyo Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here