Warbaahinta reer Galbeedka oo qaaday Talaabo dharbaaxo ku ah dowladda Sacuudiga

0
647

Warbaahinta reer Galbeedka oo qaaday Talaabo dharbaaxo ku ah dowladda Sacuudiga

Warbaahinta reer galbeedka ayaa qaadacay ka qeybgalka shirka maalgashiga oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga sababo la xiriira walaac ay shirkadahaasi ka muujiyeen weriye u dhashay Sucuudiga oo la la’yahay.

Shirkadahan warbaahineed oo ay ka mid yihiin wargeysyada The New York Times, iyo the Economist, ayaa sheegay inay go’aansadeen in aysan ka qeyb galin kulankaasi oo lagu wado inay ka soo qeybgalaan ganacsatada dunida ugu caasnan.

Jamal Khashoggi ayaa la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay muddo haatan laga joogo toban maalmood kaddib markii uu booqday qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay gudaha magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Cadaadiska ayaa haatan ku sii kordhaya dowladda Sucuudiga iyadoo dowlada Turkiga ay horey u sheegtay in weriyaha lagu dhex dilay Qunsuliyada sacuudiga dhexdeeda inkastoo sacuudigu beeniyeen arintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here