Wakiilka cusub ee QM u qaabilsan Somalia oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho

0
797

Wakiilka cusub ee QM u qaabilsan Somalia oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho

Wakiilka cusub ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Mr. Nicholas Haysom ayaa soo dhoweyn diiran loogu sameeyay garoonka Muqdisho, waxaana kaga hortegay madaxda xafiiska UNSOM ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waxaa maamuus u sameeayy ciidamada UN-ka ee ka socda Uganda, kuwaasoo magaalada Muqdisho u jooga ilaalada madaxda UN-ka iyo xarunta UNSOM ee Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa dhowaan ku dhawaaqay magacaabidda Nicholas Haysom ee ka soo jeeda Koonfur Afrika inuu noqdo Ergeygiisa Gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya iyo madaxa Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Wuxuu bedelay Michael Keating ee ka soo jeeda Ingiriiska oo Xoghayaha Guud ee QM uga mahadceliyay sida qiimaha iyo qaayaha leh oo heerka sare ah ee uu ugu soo shaqeeyay una hogaamiyay UNSOM.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here