Kolonyo Ciidamo Talyaani la socdeen oo lagu qarxiyay Muqdisho

0
800

Kolonyo Ciidamo Talyaani la socdeen oo lagu qarxiyay Muqdisho

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo maanta duhurkii lagu weeraray Kolonyo Ciidamo Talyaani la socdeen oo marayay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ee degmada Dayniile.

Kolonyada qafilan ee Ciidamada Talyaaniga ayaa ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo mid ka mid ah kolonyada lagu dhiftay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Lama oga illaa iyo hada waxa gaaray Ciidanka Talyaaniga, waxaa la arkayay burbur soo gaaray kolonyada Ciidamada oo qeybo ka mid ah haraadigooda uu dhulka yaalay.

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaaro gaaray dad shacab ah oo wadada marayay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka ismiidaaminta, iyadoo tilmaamtay inay beegsadeen Ciidamo Midowga Yurub ah.

Ciidamada Talyaaniga ayaa hoggaaminaya howlgalka Midowga Yurub ee Ciidamada Soomaaliya, waxaana ay saldhig ku leeyihiin Xarunta Xalane.

Kolonyada Ciidamada Talyaaniga oo ah kuwo qafilan ayaa lagu arkaa gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo uu ka babanayo Calanka Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here