DAAWO : Cabdikariin Qalbi-Dhaga “Waxaan Diyaar U Ahay Inaan Dhex Dhexaadiyo Al-Shabaab Iyo Puntland” 

0
696

DAAWO : Cabdikariin Qalbi-Dhaga “Waxaan Diyaar U Ahay Inaan Dhex Dhexaadiyo Al-Shabaab Iyo Puntland”

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF oo ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa waxa uu hadlay dagaalka u dhexeeya Mamulka Puntland iyo dagaalamayaash Al-shabaab ee ku sugan qeyb kamid deegaanka Maamulkaas.

Waxaa uu sheegay Qalbi Dhagax in uu diyaar u yahay xalinta dagaalka u dhexeeya Mamulka Puntland iyo Al-shabaab, isla markaana uu carabaabay in uu isku keeni doono labada dhinac.

Sidoo kale Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa sheegay in uu tagi doono goobaha Al-shabaab ku sugan yihiin si uu wada hadal ula soo sameeyo, uuna diyaar u yahay waxkasto oo lagu xalin karo dagaalkaas.

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF ayaa tilmaamay in uu weligiis soo dagaalami jiray, uuna horey ula soo dagaalamay Cadow Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here