Daawo Cusub oo Unugyada Jirka Cusboonaysiineysa Cimriga Aadanahana Kordhineysa 150 Sano!

0
954

Daawo Cusub oo Unugyada Jirka Cusboonaysiineysa Cimriga Aadanahana Kordhineysa 150 Sano!

Daawo cusub oo dhanka la dagaallanka duqnimada ah ayaa suuraggal ka dhigaysa-sida la sheegay- in cimriga aadanaha ay kordhiso 150 sano, waa sida jariidada “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska ka soo baxdaa ay qortay.

Professor David Sinclair oo ka tirsan jaamacadda Harvard, oo kaashanaya cilmi-baarayaal kale oo ka tirsan jaamacadda New South Wales, ayaa waxey horumarin ku sameeyeen teknoolojiyad cusub oo unugyada dib u cosbooneysiinaysa, dadka uu qalalku ku dhacana daaweyneysa.

Cilmi-baarayaasha waxaa u suuragashay iney kordhiyaan cimriga jiirka macmalka 10%, waxey siiyeen kiinin laga soo dhanbalay vitamine B, halka sidaas oo kale dawadan lagu sheegay iney u roon tahay bidaarta da’da ku soo baxda.

Khubaradan ayaa fila in dawadani ay diyaar noqoneyso 5 sanno ee soo aaddan. Iyadoo lacag aad u raqiisa ah oo u dhiganta in koob shaah ah lagu cabbo lagu heli doono.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here