DEG DEG : Somaliland oo Qabatay Wasiirro ka Tirsana Maamulkii Cabdi Iley oo Baxsad Ku Joogay Hargeysa.

0
751

DEG DEG : Somaliland oo Qabatay Wasiirro ka Tirsana Maamulkii Cabdi Iley oo Baxsad Ku Joogay Hargeysa.

laamaha amaanka ee Somaliland ayaa gacanta ku dhigay xubno sare oo ka tirsan xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar ee talada maamulka Killilka shanaad laga wareejiyay oo si qarsoodi ah gudaha Somaliland kusoo galay, isla markaasina uga baxa islahaa.

Wasiirka waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Ibraahim Aadan Mahad iyo wasiirka caddaaladda Cabdi Jaamac oo dhinaca xuduudka Wajaale kaga soo gudbay si dhuumasho, waxaanay ilaa toddobaad ku sugnaayeen magaaladda Hargeysa. Illo xogogaal ah ayaa Hubaal u xaqiijiyay in Labadan wasiir maalinimadii Salaasada ee Ciidda, laga qabtay madaarka Cigaal ee Hargeysa oo qorshahoodu ahaa inay ka dhoofaan, iyagoo usii jeeday dhinaca magaalada Muqdisho. xogtu waxay intaasi ku dartay in laamaha amnigu weydiiyeen labadan sarkaal su’aalo la xidhiidha sharciga iyo aqoonsiga ay sitaan, kadibna waxay sheegteen inay yihiin ganacsato xoolaha ka ganacsata.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa gudaha Somaliland soo gaadhayay dadka kasoo cararayay rabshadihii magaalada Jigjiga ka dhacay, kuwaasi oo qaarkood ay lasoo baxsadeen hanti oo Dawladda Somaliland gacanta ku dhigtay

Xigasho: Hubaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here