Koox hubeysan oo askari ku dishay Duleedka magaalada Muqdisho

0
647

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Muqdisho, Koox hubeysan ayaa askari katirsan Ciidanka Dowladda waxey ku dishay deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim.Askariga la dilay oo katirsan Ciidanka ilaalada ka haya Xarunta deegaanka Garasbaaleey, ayaa lagu magacaabi jiray Mahad Macow Afrax.Dhalinyaro Bistoolado ku hubeysan ayaa qeybta sare ee jirka ka toogatay Marxuumka oo xiligaasi meel bulshada ku badantahay Fadhiyay, waxeyna dbaleyda dishay hore usii qaateen qorigii uu watay askariga.Ciidamada amaanka ayaa durbadiiba tagay goobta, waxeyna meesha ka sameeyeen Baaritaano, lama soo sheegin wax dad ah oo ay soo qabteen maadaama raga dilka geystay ay goobta isagacarareen.Goob Joogayaal, waxey sheegeen in askariga la dilay aanu nafta dhulka la dhicin, Iyadoo meydkiisa loo soo qaaday xarunta dnabi baarista ee C.ID, halkaasoo sawirran looga qaaday, si baaris dheeri ah loogu sameeyo.Dhalinyarada Bistooladaha la cararta ee shabaab ayaa geysta dilalka ugu badan ee ka dhaca Muqdisho iyo hareereheeda, waxaana Ciidamada amniga ay yihiin kuwo ka gaabiyay ka hortagida falalka amni daro ee dhaca

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here