Qaramada midoobay oo walaac ka muujisay abaaraha ka Jira Afghanistan

0
1096

Abaaraha baahsan ee ka Jira wadanka Afghanistan gobolo ka mid ah ayaa maalin maalinta ka danbeysa ay ka sii darayaan iyadoo arintaan ay walaac xoogan ku abuurtay dadweymaha ku nool degaanada miyiga ah ee dalkaasi.Tiro lagu qiyaasay 2 million ooruux ayaa suura gal waxay tahay in ay u baahdaan cuno 6-da bilood ee soo aadan maadama hada uu gabaabsi kayahay raashinka.Abaartan ayaa waxaa sidoo kale ay ku qasabtay 80,000 ooruux in ay magaalooyinka ay u barakacaan si ay u helaan biyo ku filan.Meelaha ugu daran ay abaarta ku dhufatay ayaa ah gobolada dhaca waqooyiga iyogalbeedka Afghanistan oo sanado badan uusan roobka ka hoorin.Dowlada Afghanistaan ayaa dhankeeda sheegtay in 20 gobol ay wajahayaan abaartiiugu darneyd ee mudo qarni ahsoo wajahda,waxaana baaba,ay dalagii beeraha.War ka soo baxay Hey,ada qaramada midoobay ayaa walaac looga muujiyay abaarta waxaana ay ka cabsi qabtaa hey,ada in tiradan ay laba jibaar noqoto.Dhanka kale hey,adaha gargaarka ee ku sugan dalkaas ayaa qaarkood ka cabsi qaba in ay gurmad la gaaraan dadka u baahan sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan kooxda Taliban

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here