Xeer laga qariyey Guurtidda oo loo gudbiyey madaxtooyada iyo doodda ka dhashay

0
590

Xeer laga qariyey Guurtidda oo loo gudbiyey madaxtooyada iyo doodda ka dhashay.Golaha Guurtidda ayaa sheegay in xeer kahor imanaya shareecada islaamka ay golaha Wakiiladdu intay ansixiyeen u gudbiyeen madaxweynaha si loo dhaqangaliyo, waxaanay ku baaqeen in xeerkaasi dib loo soo celiyo.Xeerkan oo ah xeerka Kufsiga ayaa hore golaha Guurtiddu wax ka bedel ku sameeyeen, isla markaana dib ugu celiyeen golaha Wakiilada, haseyeshee golaha Wakiiladda ayaa lagu eedeeyey inay u dhigeen siday doonayeen daneeyeyaasha xeerkan oo ah hay’addo reer galbeed ah iyo haweenka u dooda xuquuqddooda oo iyaguan xeerkan aad u hambalyeeyey markii uu golaha Wakiilada soo dhaafay, kuwaas oo dabada ka riixayey inuu qaabkan loogu sameeyo amaba iyagu sidan usoo dhigay ka dibna goluhu u ansixiyey.Sidoo kale, sida uu dastuurku dhigayo xeer kasta oo Wakiiladda ka yimaadda waxa la mariyaa golaha guurtidda marka laga reebo xeerka miisaaniyadda.Xeerkan ayaa loo dhigay sidii aan dal islaamka lagu dhaqayn , kaasi oo loo eekaysiiyey sida dalalka Reer Yurub, waxaanay guurtiddu ku doodeen in aan xeerkan kufsiga lagu salayn shareecada islaamka, waxaanu qodobka kowaad ee dastuurka ku yaala wax kasta oo ka hor imanaya shareecada islaamka waa waxba kama jiraan, sidaas darteed waxay xildhibaanada Guurtiddu ku doodeen in xeerkaasi sida loo sameeyey ka hor imanayo shareecada kaasi oo jabinaya qodobka kowaad ee dastuurka, waxaanay madaxweynaha ka codsadeen in dib loogu soo celiyo.Xildhibaan Cabdiraxmaan Sheekh MaxamedIlka case oo xeerkan ka hadlaya waxa uu yidhi “Xeerka kufsigu shareecadu waxbay dhigaysaa, dastuurkeena salkiisu waa shareecadda islaamka, xeerkan golaha Guurtidda wuu soo maray waajibaadkiisa iyo tallo bixintiisa wuu ka gutay waxaanu ku saleeyey shareecad islaamka, goleyaashu uma shaqeeyaan hay’addo laakiin waxay ku shaqeeyaan rabitaanka shareecaddu islaamku, guurtidu markii uuxeerkan ka doodayey wuxuu iskugu keenay culimadda iyo garsoorayaasha, kuwaas oo waafajisay shareecadda islaamka, sidaas ayaa loogu celiyey golaha wakiiladda, hadii uu wakiiladu wax ku bedel ku sameeyo waxa waajib ah in guurtidda lagu soo celiyo”.Sida dastuurku dhigayo xeer kasta oo ka soo baxa golaha Wakiilada waxa loo gudbinayaa golaha Guurtidda, iyaguna waxay usii gudbinayaan madaxweynaha madaxweynaha dhaqangalin kara ama dib usoo celin kara, haseyeeshee Guurtiddu waxay ku sheegeen in laga qariyey oo loo gudbiyey madaxtooyada.“Qodobka 61 ee dastuurka qaranka wuxu sheegayaa awooda golaha guurtidda, waa dajinta xeerarka ku saabsan diinta, dhaqanka iyo nabadgalyadda, gaar buu dastuurku noo siiyey, iyo dib u eegista xeerarka uu golaha wakiiladdu soo ansixiyaan. Xeer kasta Waa in uu anaga na soo maro oo anagu u gudbinaa madaxweynaha”ayuu yidhi Xildhibaan Dayib Axmed Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here