Xukumadda Oo Doonaysa In Ay Bedesho Lacagta Waraaqaha Ah Ee Somaliland Shillin

0
553

Xukumadda Oo Doonaysa In Ay Bedesho Lacagta Waraaqaha Ah Ee Somaliland Shillin Dawladda Somaliland ayaa doonaysa in laga guuro lacagta waraaqaha ah ee Shillinka Somaliland sidauu sheegay guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland mudane Cali Ibraahin Jaamac Baqdaadi oo shalay soo saaray warsaxaafadeed uu ku beeninayo in xukumaddu soo daabacday lacag cusub.Guddoomiyaha oo ka jawaabayay hadallo dhawaan soo baxay oo ku saabsan in bangigu si sharci darro ah lacago cusub u soo daabacay wuxuu sheegay in aanay lacag soo daabacin waxaanu sheegay in higsiga bangigu yahay in gabi ahaanba laga guuro lacagta Shillinka Somaliland eewaraaqaha ah loona guuro lacagta Balastiga ah(plastic Money). Lacagtan kaadhadhka ah ayuu sheegay in ay ka cimri dheer tahay lacagta warqadaha oo durba duugawda.Qodobada bangigu soo saaray ayaa u dhigan sidan:1. Ma jirto lacag cusub oo uu bangiga dhexe ee Somaliland soo daabacay oo waraaqaha ah. Sida ku cad qodobka 33-aad ee xeerka Baanka dhexe ee JSL xeer Lr 54/2012 bangiga dhexe waxa uu xaq u leeyahay daabacaadda lacagta dalka, waxa kale oo uu xaq u leeyahay in uu lacag ku sii daayo xaruntiisa dhexe, wakaaladihiisa iyo laamihiisa si ay ugu wareegto dhammaan gobollada JSL.2. Sidoo kale sida uu dhigayo qodobka 37-aad ee xeerka baanku, Baanka Dhexe wuxuu xaq u leeyahay in uu lacagta waraaqaha ah ku bedelo cadad kale oo lee goo lacagta waraaqaha ah haddii ay duugowdo ama baaba’do. Sidoo kale sida uudhigayo qodobka 38-aad Baanka Dhexe waxa uu xaq u siinayo in uu suuqa ka saaro lacagta waraaqaha ah ee aan habboonayn in la isticmaalo ama jeexjeexantay ama dhaawacantay ama masaxantay, waxaanu ku bedelayna lacagleeg lacagta suuqa ka baxday. Baanka Dhexe isaga oo waajibaadkiisa shaqo gudanaya waxa uu diyaar u yahay in uu bedelo noodhka 500 Shillinka Somaliland oohaatan gabowday siina dabar go’aysa. Haddii noodhka shanta boqol suuqa ka baxo waxa abuurmaya sicir barar oo alaabta qiimaheedu taaggan yahay 500 shillin waxa lagu iibsan doona 1000 shillin, sidaas awgeed qofkii haysta shan boqol oojeexjeexantay waxa loo bedelaya shan boqol oo cusub oo la soo daabacay sanado hore taas oo si sharciga waafaqsan ugu kaydsan khasnadaha Baanka Dhexe.3. Baanka Dhexe waxa uu hiigsanaya in uuka guuro lacagta waraaqaha ah (paper Money) ee hadda ka socota JSL, islamarkaana u guuro lacagta balastiga ah(plastic money). Lacagta balastiga ah way ka fududahay, way ka cimri dheer tahay waanay ka nadiifsan tahay lacagta waraaqaha ah, balse kharashka ku baxaya daabacaadda lacagta balastiga ah waa mid aad u badan, haddii la helo kharashka daabacadda wakhtiga ay qaadanayso in la dalbado, la nashqadeeyo lana soo daabaco oo la soo dejiyo waxay qaadanaysa ugu yaraan saddex sanno. Dalalka laga isticmaalo lacagta balastiga ah xilligan waxa ka mid ah; Canada, Maleesiya, Nayjeeriya, Muritaaniya, Gambiya, Ingiriiska, Romaniya, Buruniya iyo Newsealand.Waxaan ku rajo weynahay in Somaliland ka mid noqoto dalalka isticmaala lacagta Balastiga ah, sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Baqdaadi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here