Siyaasi u dhashay Zimbabwe oo magengelyo looga diid Zambia

0
735

Siyaasi u dhashay Zimbabwe oo magengelyo looga diid Zambia

Siyaasiga mucaaradka ah ee reer Zimbabwe, Tendai Biti, ayaa looga diiday magangelyo siyaasadeed dalka Zambia.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalkaas, Joe Malanji, ayaa sheegay in sababaha uu Biti ku saleeyey codsigiisa magangelyo doonka ahi ahaayeen kuwo aan lagu qanci karin. Hase yeeshee qareenka u doodayey Biti ayaa sheegay in aanay ilaa haatan wax jawaab ah ka helin xukuumadda Zambia.

Waxa uu BBC-da u sheegay in hadii magangelyo la siin waayo ninkaa u wakiilka u yahay uu codsan doono in xaq loo siiyo inuu dal kale u dhaafo Zambia. Waxaanu ku dooday in Biti aanu wax khatar ah ku ahayn Zimbabwe.

Biti oo xubin ka ah isbahaysigii doorashada lagaga adkaaday, ayaa waxa lagu eedeeyey in uu abaabulay qalalaasihii dalkaa ka dhacay doorashooyinkii uu ku guulaystay madaxweynaha talada haya Emmerson Mnangagwa ka dib.

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here