Daraasad: Internet-ka Xawaarihiisu Sarreeyo oo Sababa Dhibaatadan

0
1063

Daraasad: Internet-ka Xawaarihiisu Sarreeyo oo Sababa Dhibaatadan

Daraasad caafimaad oo dhawaan la sameeyay ayaa ka digtay in internet xawaarihiisu sarreeyo ee high-speed-ka ah ee guriga yaalla uu keeni karo hurdo yari.

Daraasaddan oo dhawaan soo baxday oo laga sameeyay Jaamacadda Pocone ee magaalada Milan ee dalka Talyaaniga ayaa sheegaysa in adeegga internet-ka ee xawaarihiisu uu sarreeyo ee “Broadband-ka ah uu yareeyo saacadaha hurdada, nooceedana uu xumeeyo, gaar ahaan dadka duruufta shaqadu ay ku khasbayso iney xilli hore soo kacaan.

Francesco Bellari oo ah madaxa cilmi-baaryaasha jaamacadda Pocone  ee dalka Taliyaaniga ayaa yiri: “Dadka haysta adeegga internetka DSL ee xawaarihiisu uu sarreeyo in ay u janjeeraan in celceliska xilliga hurdadoodu uu yaraado, marka loo barbardhigo kuwa kale ee aan haysan internet xawaarihiisu sarreeyo.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in “Waxyaabaha soo jiidashada leh ay keeni karaan in waqtiga hurdada laga dib dhaco, arrintaas oo dhankeeda keeni karta in saacadaha hurdada qofka ay yaraato, gaar ahaan dadka laga rabo iney xilli hore oo subixii ah soo kacaan.”

Daraasaddan ayaa waxaa lagu gaaray in dhalinyarada ay da’doodu u dhaxayso 13 ilaa 30 jirka uu jiro iney asal ahaanba hurdadoodu ay yar tahay oo inta badan ay ku qaatan video game computer-ka, daawashada TV-ga iyo muuqaallada YouTube oo xilli dambe oo habeenkii ah ay ku gaaraan. halka dadka waaweyn ee da’doodu u dhaxeyso 31-59-sano iyaguna ay ku mashuuqaalaan inta badan computer-ka iyo mobile Smartphone-ka ah.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here