Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed, Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas Riek Machar Oo Heshiis Kala Saxeexday

0
682

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed, Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas Riek Machar Oo Heshiis Kala Saxeexday

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed, Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas Riek Machar ayaa heshiis awood qaybsi ah ku kula saxiixday xarunta dalka Suudaan ee Khartoum – heshiiskaan ayaa looga gollahaa sidii loo soo afjari lahaa 5 sano oo dagaal Sokeeye ah kaas oo galaaftay nolosha kumanaan qof 4 million oo kalena ay ku barakaceen.

Bishii June ayay ahayd markii ay kala saxiixdeen heshiish xabad joojin ah. Dadaallo hore oo la doonayey in khilaafkaas lagusoo afjaro ayaa durbadiiba burburay.

Tani waa tallaabo ay horay u qaadday Suudaanta Koonfureed. Labo nin oo uu loollan adagi ka dhexeeyey ayaa ku heshiiyay in ay u shaqeeyaan si wadajir ah.

Riek Machar ayaa dib ugu laabanaya xukuumadda asagoo noqonaya madaxweyne ku xigeenka koowaad ee shanta madaxweyne ku xigeen ee dalkaas heshiiskan ayaa u ogolaanaya in madaxweyne Salva Kiir ay wasiirrada badan koodu dhankiisa ka yimaadaan.

Wasiirada inta soo hartayna waxaa loo qaybin doonaa xisbiga Mr Machar iyo mucaaradka kale ee yaryar.

Markii heshiiskaas qalinka lagu duugay, kumaanan Koonfurta Suudaan ku dhashay oo faraxsan ayaa ku dabbaal dagay bannaanka hore ee dhismaha uu heshiisku ka dhacay.

Balse wali waxaa jira wadaxaajood adag oo soo foodleh, in la isu keeno xoogag loollan iyo dagaal uu ka dhaxeeyey oo laga dhigo hal ciidan ayaa ah caqabadda ugu wayn. – gaar ahaan marka la eego kala qaybsanaanta qotoda dheer ee ku dhisan qawmiyadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here