7 Tallaabood oo Aad Ku Daahrogi Karto Hibadaada Qarsoon

0
867

7 Tallaabood oo Aad Ku Daahrogi Karto Hibadaada Qarsoon

Hibadu waa awood cajiib ah oo Alle uu qofka ku manneysto, in qofku uu hibadiisa ogaado oo uu horumariyo waa tallaabada koowaad ee wadada guusha iyo horumarka.

Dadka qaar waxaa u suurogashay iney hibadooda daahrogaan xilli hore, halka kuwa kalena ay ku adkaato iney ogaadaan waxyaabaha ay hibada ku leeyihiin oo ay dadka kale kaga xariifsan yihiin.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa 7 tallaabood oo haddii aad qaaddo aad ku daahrogi karto kuna kobcin karto hibaadada gaarka ah, ogow in qof kastaa uu leeyahay hibo uu dadka kale kaga xariifsan yahay.

  1. Baadigoobka Hibada

Naftaada weyddii waxey jeceshay, oo ay si dabiici ah u qabato una sameeyo iyadoon wax fakar ah u baahan, haddii aad jeceshahay inaad sawir waqtigaaga ku qaadato; inaad waqtigaaga dayacdo maaha oo aad waxyaabo kale isku mashquuliso, hibaadada horumari oo xoogga saar.

  1. Raadi halka aad ka xooggan tahay

Naftaada weyddii maadada ama shayga aadan welwel ku dareemayn ee aad ku raaxaysaneyso marka aad qabaneyso, shaygaasi waxa uu fure u noqon karaa daahrogga hibaadada qarsoon.

  1. Geesi noqo

Baro waxa lagama maarnaanka ah si aad hiwaadadaada u horumariso, waxaa kugu adkaandoona inaad gabyaa sheegato adigoon garaneyn sida qaafiyadda gabayga iyo miisaankiisa loo xakameeyo.

  1. Hadaf nololeed yeelo oo duruufuhu yaaney ku bedbedalin

Isbuuc kasta arrin cusub tijaabi, markaad isku dayga badiso waxaa dhici kara iney kuu soo baxdo hibaadaada aad ku wanaagsan tahay dad badanna aad kaga fiican tahay.

  1. Shayga aad xiisayso ha ka caajisin

Waxyaabaha aad u xiisooto ha joojin, naftaadana weyddii; maxay tahay waxyaabaha ay doonayso inaad si joogto ah u sameeyo, kuma jiraan waxyaabaha dadka kale ay xiiseeyaan oo adiguna aad iskala qabsatay.

  1. Diiwaangeli guulaha aad gaarto

Isku dayada aad sameynayso oo aad hibadaada ku daahrogeyso diiwaangeli oo meel adiga kuu gaar ah ku xafido, naftaada dhiirigelin u samee waxwalba oo wanaagsan oo ay sameyso ku abaalmari.

  1. Waxaa lagaa doonayaa Samir iyo dulqaad

Hibadu waa inaad xirfad ku wanaagsan tahay waddo aa dadka kale u sahlanayn, sidaa darteed hibadaasi waxey rabtaa in si gaar ah loogu dadaalo, arrintaasina waxey u baahan tahay samir, dulqaad iyo quus la’aan.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here