Madaxweynaha Jabuuti oo gaaray magaalada Khartoum ee dalka Sudan

0
785

Madaxweynaha Jabuuti oo gaaray magaalada Khartoum ee dalka Sudan

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gaaray magaalada Khartoum ee Caasimada Sudan, isagoo ka mid ah madaxda gobolka ee ka qeyb galaya munaasabada saxiixa heshiiska nabadeed oo u dhaxeeya dhinacyada isku haya siyaasadda Koofurta Sudan.

Madaxweyne Geelle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Khartoum ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxda Gobolka Geeska Afrika ayaa ka qeyb galaya munaasabada saxiixa heshiiska nabadeed ee dhex mari doona Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir iyo kuxigeenkiisii hore Reik Machar, waxaana heshiiskan uu dhigayaa in Reik Machar uu noqdo Madaxweyne kuxigeenka 1aad, sidoo kale waxaa uu heshiiskan u gogol xaarayaa soo afjarida colaada dheeraatay ee dalkaas.

Safarka Madaxweyne Geelle ee Khartoum ayaa ku soo aaday, iyadoo uu taagan yahay xurguf siyaasadeed oo soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Jabuuti, kaasoo ka dhashay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka sheegay Asmara oo ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea, intii uu ku guda jiray booqashadii uu todobaadkii hore ku tagay dalkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka baaqday safarkii uu ku tagi lahaa Khartoum, isaga oo ka mid ahaa Madaxda Gobolka ee lagu martiqaaday ka qeyb galka munaasabada saxiixa heshiiska nabadeed ee Koofurta Sudan, hase ahaatee saacadihii u dambeeyay ayuu ka baaqsaday, isagoo bedelkiisa diray Ra’iisul Wasaare Kheyre oo maanta gaaray Khartoum.

Xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa markii u horeysay mugdi galay, waxaana muuqata is bedelka ka socda Geeska Afrika inuu saameeyay, gaar ahaan nidaamka juquraafiga siyaasadeed ee gobolka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here