“Somalia Dastuur Ma Yeelanayso Somaliland La’aanteed…”

0
891

“Somalia Dastuur Ma Yeelanayso Somaliland La’aanteed…”Sanatar Axmed Xaashi Maxamuud oo kamidah aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya la heshiisyo Somaliland, islamarkaana dawladnimadeeda Hargeysa ka dejiso sidii ay reer Somaliland yeeleen 1960 markii la isku darsanayay. Waxa uu sheegay in sharci kasta oo Soomaaliya leedahay iyo nidaamka Federaalku yahay ku meelgaadhoo aanu rasmi noqon Karin inta Somalilandka maqan tahay.Xildhibaanka oo waraysi siinayay telefishanka Goobjoog ayaa sheegay in aanay Soomaaliya mustaqbal lahayn inta aanay la heshiin Somaliland iyada oo wax walba uga tanaasulaysa gacantana ka galinaysa dawladnimada dadka Somaliland.“Somaliland inta ay maqan tahay oo aanayka qayb galayn hawsha(Dastuurka) oo aanay codaynaynta shacabkeedu ka qayb galayn dastuur rasmi ah dalku ma yeelan karo, wuxuu ahaanaya ku meelgaadh. Waxaanu nahay Jamhuuriyadda FederalkaSoomaaliya xuduudda aanu leenahayna waa kuwii lixdankii dastuurka qodobkiisa 1-aad baa dhigaya maantana gacanta kuma hayno(Somaliland) oo waxay leeyihiin waanu go’nay, wada hadallana waa socdaan iyada oo intaasi jirto haddii aynu nidhaa sharci baanu samaynay dee waa inaga sii goosanay oo qoladan koonfureed ayaa sii goosatay,” Sidaas ayuu yidhi Senator-ku.Senator-ku wuxuu sheegay in dastuurka Soomaaliya iyo nidaamka Federaalku ku meelgaadh ahaanayo ilaa Somaliland xal laga gaadhayo wakhti kasta oo ay qaadato, islamarkaana iyaga oo maqan aan wax sharci ah oo rasmi ah loo samayn Karin Soomaaliya “Ilaa xornimadii tabashadu way jirtay dhinacaas(Somaliland), Xasan Kayd iyo ciidankiisu markii ay inqilaabka sameeyeen tabashadaas bay ku lug lahayd, Adduunyo hal baan lahaa, hashii horror baa la tagay, hadhuub madhan baan sita, ayay ahayd heestay qaadi jireen waxaana weeye tabashadii in la saxo oo waa lagama maarmaan,” Sidaas ayuu yidhi Senator Axmed Xaashi.Waxa uu intaasi raaciyay geftka Koonfurtu ka gashay Somaliland markii la midoobay 1960 “Waxaynu samaynay ee nasiib darrada ahayd inta la isku darsadayayaynu wasiirka gaashaandhigga ka siinay Cigaal iyo wasiirka Tacliinta, Madaxweynihii, ra’isal wasaarihii , guddoomiyihii baarlamaanka iyo taliyeyaashii oo dhan Koonfur baa isku wada darsatay, khaladaadkii la soo galay weeye.“Waxa uu intaasi raaciyay sida uu u arko xal midnimo oo dambe “Calan bay keeneen Soomaalidu(Reer Koonfurku) waa in ay kacda oo calankii qaado oo u gayso, dawladda Soomaaliya oo baarlamaanka hoggaaminaysa iyo inaga oo isku dhan haddii aanu dhaqaaqno oo Hargeysa tagnoSomalia rajo ayay yeelanaysa inta ay iyagu maqan yihiinna Soomaaliya rajo ma yeelanayso.”Waxa kale oo uu Somaliland ku ammaanay waddaninimada “Soomaalida ugu Soomaalisan waa iyaga waxaan tusaale kuugu soo qaadaya 1964 dagaalkii ahaa(Somalia iyo Itoobiya) gaadhi kasta oo reer Waqooyi ah dagaalka wuu galay, qof kasta oo gobolka Somaliland la baxay ahna dagaalka wuu galay, Koonfurna ciidamada oo kaliya dagaalka ka galay. 1977 sidaas oo kale ayay ahayd baabuurtii Ciidamada u rarnayd iyo wixii dagaallamayay iyaga ayuu ahaa. Dadka ugu Soomaalisan oo ugu Soomaalisan waa iyaga, in ay ugu Soomaalisan yihiin waxa kuu muujinaysa shuruud la’aan bay shalayku yimaaddeen waxa weeye shuruud la’aan in loogu tago waxa ay doonayaana faraha laga saaro anaga oo isku dhan oo dawladdii ahna aan u tagno, odayaasha iyo shacabkuna uu nala jiro sidaas ayay Soomaaliya ku midoobi karaysa oo isugu iman karaysa,” ayuu yidhi Senator Xaashi.*.“Reer Koonfurow Maxaa Somaliland Idiinka Meel Yaal,” Madaxweynihii Hore Ee SoomaaliyaWaxa uu Xildhibaanku sheegay in bulshadaSomaliland uga waxtar badnayd bulshada Koonfurta halgankii, islamarkaana magaca SYL iyo nidaamkiisa cidda dejisay ahayd reer Waqooyi, isaga oo sheegay in dadkii 15 May la ilaalinayay ee dhagax tuurku ka dhacay ahaayeen halgameyaal reer Waqooyi ah oo Talyaanigu la baxayay“Waxa weeye in aan is indho tirno maaha, khalad baan galnay, reer Koonfurna waxay ku nooshahay khayaali yar oo diciifah oo aan waxba u tarayn, haddii aan doonayno in aan Soomaaliya badbaadino gaalo inagagama jirto oo ajanabi inagagama jirto ee Soomaali dhexdeeda ayay ku jirta. Anaga oo isku duuban oo dawladdayada iyo odaygayaga wadana Hargeysa aan ka degno Madaxweyne iyo ra’isal wasaare waxay qaadanayaan iyo waxay dawladda inaga siinayaana aan ka qaadano sidii ay shalay yeeleen. Wixii taa ka baxsan uma jeedno in aynu wax saxno. Waan hubaa intaas la helayo waayo shacabka(Somaliland) ayaan aqaanna, dareenkooda waddaniyeed iyo meesha ay istaagayaan ayaan garanaya inta haddii aan Samayno Somalia waa la helaya ee aan intaas ku dhaqaaqno,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Axmed Xaashi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here