RASMI : Goorta La Daawan Doona Salman Khan Filmkiisa Dabangg 3!!

0
808

RASMI : Goorta La Daawan Doona Salman Khan Filmkiisa Dabangg 3!!

Dabangg waa mid kamid ah taxanayaasha Bollywoodka loogu jecelyahay sido kalena guul wacan gaaro waxaana horey looga sameyay ilaa labo qeybood oo guulo waa weyn gaareen.

Salman Khan ayaa hogaamiye ka ah kaaso goor dhow duubis ku bilaawi doono mashruucan qeybtiisa sedexaad isagoo doorkiisa askarnimada Chulbul Pandey la imaan doono.

Markii hore kooxda mashruucan waxay qorsheesay in la daawado filmkaan dhamaadka sanadkaan 2018 balse duubistiisa ayaaba dib udhacday sidaa aawged Salman halmar ayuu isla duubi doona Dabangg 3 iyo Bharat bisha Aug.

Waxaana la daawan doona filmkaan maalinta jamhuuriyada hindiya oo ku beegan 25 Jan 2018 waana sida ay qorsheenayaan kooxda mashruuca balse horey 4 film ayaa loo diiwaan galiyay in maalintas la daawan doono kuwaaso kala ah Hritik Roshan filmkiisa Super 30, Kangana Ranaut filmkeeda Manikarnika, Emraan Hashmi filmkiisa Cheat India iyo Nawazuddin Siddiqui filmkiisa Thackeray.

Hadii Sallu isku dhacan kusoo biro markaas waxuu noqon doono isku dhicii ugu weynaa Bollywoodka soo mara maadama 5 film waa weyn hal maalin la wada daawan doono…

 

Filimside

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here