Wiilal ku xayirnaa Bohol dhulka hoostiisa oo dhammaantood dibada la keenay

0
754

Wiilal ku xayirnaa Bohol dhulka hoostiisa oo dhammaantood dibada la keenay

Dhammaan 12 ruux oo ka tirsanaa koox dhalinyaro ah oo ku xayirnaa bohol ay biyo qariyeen Waqooyiga Thailand muddo labo toddobaad ah ayaa lagu guuleystey in dhammaan dibada loo saaro iyagoo bed qaba.

Afar ka mid ah wiilasha iyo tababarahooda oo 25 sano jir ah ayaa laga soo saaray maanta godkii ama bohoshii ay ku jireen kadib markii siddeeda kale ay laga soo saaray godka shalay iyo maalintii ka sii horeysay.

19 quusayaal ah ayaa howlgalkii u dambeeyay ee lagu badbaadinayay wiilashan fuliyay iyadoo ay ku qaadatay muddo lix saac ah.

Kooxdan la soo badbaadiyay ayaa waxaa la sheegay in lagu hayn doono isbitaalka Chiang Rai halkaas oo muddo toddobaad ah baaritaan caafimaad loogu sameyn doono.

Howlgalkan lagu badbaadinayay wiilashan ayaa waxaa ka qeyb qaatay kun ruux oo ka mid ah shaqaalaha gargaarka,hase yeeshee waxaa ku dhintey howlgalka laglu badbaadinayay askari ka mid ah ciidamada badbaadada dalka Thailand.

Wiilashan oo da’adoodu u dhexeyso 11 sano jir illaa iyo 16 sano jir iyo tababarahooda ayaa ku dhacay god bishii June 23keedii iyadoo roobab mahiigaan ah ay ka da’ayeen dalka Thailand.

Kadib markii la bilaabay baaritaano xoog leh oo lagu raadinayay wiilashan iyo tababarahoodii ayaa laga helay god dhulka hoostiisa ah oo dhererkiisu gaarayo 4km.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here