Ruug cadaa Nana Patekar oo lagu soo daray Housefull 4 wuxuuna badalay Sanjay Dutt

0
882

Ruug cadaa Nana Patekar oo lagu soo daray Housefull 4 wuxuuna badalay Sanjay Dutt

Filimka Housefull 4 shalay ayay duubistiisa London ka bilaabatay waxayna soo xaadireen Akshay Kumar, Bobby Deol, Retiesh Deshmukkh iyo dhamaan jilaayaasha kale.

Haatana waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday in ruug cadaa Nana Patekar lagu soo daray taxanaha caanka ah Housefull 4 asigoo galay booskii Sanjay Dutt loogu tala galay.

Waxaa la sheegay in kooxda Housefull 4 iska dhaafeen Sanjay Dutt kadib markii lacago aad u badan dalbaday madaama filimka Sanju ee noloshiisa laga sameeyay Blockbuster weyn noqday Dutt wuxuu dareemay inay qasab tahay suuqiisa inuu sare u qaado.

Balse soo saare Sajid Nadiadwala ayaa arinkan beeniyay wuxuuna yiri “Nana Patekar waxaan la saxiixanay filimka Sanju inta uusan soo bixin ka hor sidoo kalena Sanjay Dutt saaxiibo dhow ayaan nahay waligeena arimo lacag kama hadlin”

“Xaqiiqada waxay tahay Sanjay inaan aniga marnaba kala hadlin sameynta Housefull 4 haatana waxaan helnay Nana Patekar oo filimkan door xiiso badan ka qaadan doono”

Nana Patekar ayaa lagu wadaa maal maha nagu soo fool leh inuu jadwalka kowaad Housefull 4 ka qayb qaato qorshahana wuxuu yahay mashruucaan weyn in la daawado Diwali 2019.

 

Xigasho: Filimside

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here