DAAWO : C/kariin Qalbi Dhagax oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Nairobi

0
877

DAAWO : C/kariin Qalbi Dhagax oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Nairobi

C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa caawa fiidkii gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaddib markii uu ka soo duulay magaalada Addis Ababa.

Qalbi Dhagax oo maalmo ka hor laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ku soo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Siyaasiga Faarax Macalin, iyo dadweyne kale.

Dadweynaha ka qeyb qaadanayay soo dhoweynta Qalbi Dhagax oo gaarayay boqolaal ruux ayaa watay sawirkiisa, calanka Soomaaliya, waxaana dadka maanta gelinkii hore lagu soo bixiyay cod baahiyeyaal loogu sheegay inay ka qeyb qaataan soo dhoweynta Qalbi Dhagax.

C/kariin Qalbi Dhagax ayaa markii uu soo gaaray Nairobi ka mahad celiyay soo dhoweynta loo soo sameeyay, isagoo gacan qaaday dadweynihii soo dhoweeyay.

Arrinta xusida mudan ayaa ah in Qalbi Dhagax uu ka soo dhoofay qeybta VIP-da garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Ababa, halkaasoo ah halka Madaxda ka dhoofaan.

Sanad ka hor ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Itoobiya, kaddib markii laga soo qabtay Gaalkacyo, lana keenay Muqdisho, waxaana maalmo kaddib loo dhiibay dowladda Itoobiya, dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa la rumeysan yahay in waxyaabihii ay taageerada ku weysay ay ka mid tahay dhiibiddii C/kariin Qalbi Dhagax, kaddib goโ€™aan Golaha Wasiirada soo saareen, inkastoo markii dambe Baarlamaanka uu ka hor-yimid.

 

HOOS KA DAAWO :

https://www.youtube.com/watch?v=eHvL3I2_hmQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here