Maxaad ka Ogtahay Qisada Suniel Shetty sawirkiisa kowaad ee Model ahaan looga qaaday inuu labo filim ku helay

0
1422

Maxaad ka Ogtahay Qisada Suniel Shetty sawirkiisa kowaad ee Model ahaan looga qaaday inuu labo filim ku helay

Bollywood Action Hero Suniel Shetty ayaa banaanka soo dhigay xaqiiqo in badan naga qarsaney o ah in sawirkiisa kowaad laga qaaday si isaga nafsad ahaantiisa loo suuq geeyo ka caawisay in labo filim si deg deg loola saxiixdo.

Suniel Bollywood-ka inuu kusoo biiro cidna garab kuma siinin waayo kama soo jeedo qoys fanka awood ku leh sidoo kalena asigoo dhalinyar ayuu bilaabay inuu shaqeesto oo uu dukaan dharka lagu iibiyo furto kadibna dharkiisa Model u sameeyo.

56-jirkan ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay sawirka sare idin kaga muuqdo wuxuuna soo raacsiiyay qoraalkan “Sawirkeygii ugu horeesay ee hab Model ah suuq geyn la iiga qaado ayaa sababay in labo filim aan helo Sajid Nadiadwala oo Waqti Hama Hai ii dhiibtay iyo Raju Mawani oo Balwan ii dhiibtay”

“Mahadi haka gaartee sawir qaadaha halyeega ah MR JP SINGHAL ayaa sawirkan quruxda badan iga qaaday kaasi oo sababay filim soo saarayaasha Bollywood-ka inay ila saxiixdaan kuna qanceen qaab dhismeedkeyga iyo muuqaalkeygii diyaarsanaa”

Dabcan Suniel wuxuu caalamka la wadaagay sawir si diyaarsan looga qaaday uu sababay inuu Bollywood-ka kusoo galo oo ay filim soo saarayaasha ka heleen qaabkiisii diyaarsanaa ee fanka garab iyo is qaraabeysi kusoo galin.

 

Filimside

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here