Weftigii Nabadeynta Colaadda Ceel-afweyn Ee Madaxweyne Biixi Ku Dhawaaqay Oo Dib U Dhac Ku Yimi Iyo Sababta

0
1025

Weftigii Nabadeynta Colaadda Ceel-afweyn Ee Madaxweyne Biixi Ku Dhawaaqay Oo Dib U Dhac Ku Yimi Iyo Sababta

Guddidii nabaydeynta iyo deminta colaada riiq-da dheeraatay ee Degmada Ceel-afweyn loo dirayey, ayaa la sheegay inuu dib u dhac ku yimi, waxaanu markii hore qorshuhu uu ahaa kowda bishan 1 juulay oo maanta ku beegan inay ka boqolaan Magaalada Hargeysa, balse waxa la sheegay in xukuumaddu ay xalay ku wergelisay ergadaas inay iska joogaan..

Weftigan Nabadeyn colaad Ceel-afweyn loo soo xulay, ayaa waxa kamid ah culimo awdiin uu hormoody u yahay Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Siyaasiyiin , aqoon-yahan, wax-garad iyo Madax-dhaqameed, kuwaas oo miisaan culus ku leh dalka Somaliland, isla markaana kalsooni badan lagu qabo oo la filayo inay damin karaan colaada sokeeye ee Ceel-afweyn.

Dhanka kale Illa wareed-yo xog-ogaal ah, ayaa sheegay in ergada hawsha nabadaynta ah ugu baxaysay Ceel-afweyn ay diyaarsadeen agabkoodii, iyagoo xidh-xidhayna shandadahoogii, kuwaas oo u diyaar garoobay arrinkaa khayriga ah ee lagu joojinayo colaada sokeeye iyo dhiiga dadka walaalaha muslimiinta ah ee bilaashka ku daadanaya, hase-yeeshee ay xukuumaddu xalay fiidkii mid-mid ugu wergeylisey in la negaaday maanta, iyadoo u sheegtay inay dib uga soo sheegidoonta wakhtiga rasmiga ah ee loo baxayo nabadayna Ceel-afweyn.

Geesta Kale Madaxweyne Somaliland oo 26 juun xaflad ka dhacday qasriga Madaxtooyadda oo loogu dabaal-degayey maalintii ay Somaliland xorriyadeedii ka qaadatay gumaystihii ingiriiska , ayaa khudbad uu ka jeediyey ku sheegay in weftiga nabaydan ah ay ceel-afweyn u baxayaan 1 bishan Juulay oo maanta ah ku beegan, isagaoo sheegay in muddo todoba cisho ah lagu maqnaanayo hawshaasi nabadtan ceel-afweyn

Ma jirro war amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland, balse waxa loo malaynayaa in sababta loo joojiyey weftiga nabadaynta Ceel-afweyn ay la xidhiidho , iska hor imaad xalay ku dhexmaray Ceel-afweyn Ciidanka qaranka iyo maleeshiyo beleed kamid labada beelood ee ku dagaalamay deegaankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here