YouTube oo Soo Daayay Adeeg Muddo Badan La Sugayay

0
1052
Kiev, Ukraine - August 25, 2014: Different popular social media icons in a group folder on android smartphone homescreen.

YouTube oo Soo Daayay Adeeg Muddo Badan La Sugayay

Sanooyin badan ka dib YouTube waxa uu soo daayay adeeg gaar ah oo ay dad goonni ah isticmaali jireen, muuqaallada YouTube ayaad daawan kartaa adigoo shaqooyin kale ku qabsanaya mobile-ka.

Hadda waxaa loo sii daayay dadka ku nool Mareykanka, kuwaas oo haysta mobillada nidaamka Android 8.0 Oreo-ka ku shaqeeya iyo kuwa ka casrisan, adeeggan ayaa u suuraggalinaya qofka isticmaalaya inuu muuqaalka ka daawado mobile background-kiisa isagoo howl kale qabsanaya.

Waxaa xusid mudan, in adeeggan aanuu ku shaqeynayn muuqaalladda ay heeso gaar ah ah la socdaan.

Adeeggan horey waxaa u haystay dadka ka mid ah YouTube “Red“, “Premium” ama “Google Paly“, kuwaas oo lacago bixiya oo YouTube si bille ah ama sanadleh ah uu lacag goonni ah uga qaado.

Waxaa la filayaa in adeeggan cusub la gaarsiiyo dhammaan dowlahada dunida, iyadoo aan ognahay iney jiraan Apps dadka u fududeynaya iney adeeggan si sahlan u helaan.

 

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here