DAAWO : Saynisyahanno Daahrogay Irbado Aan Wax Xanuun Ah Lahayn oo Ay Kasoo Dheehdeen “Kaneecada”

0
870

DAAWO : Saynisyahanno Daahrogay Irbado Aan Wax Xanuun Ah Lahayn oo Ay Kasoo Dheehdeen “Kaneecada”

Website-ka la yiraahdo “DIGITAL TREDNDS“, ayaa waxa uu qoray in khubaro ka tirsan Jaamacadda Ohio ay soo saarreen nooc cusub oo cirbado ah, kaas oo aan wax xanuun ah u lahayn bukaanka lagana soo dheehday Kaneecada.

saynisyahannadan ayaa daahroggooda oo ay u bixiyeen magaca “Microneedles” waxey ka dheehdeen kaneecada, cayayaankan ay dadku aadka u neceb yihiin ayaa u noqoday halka ay ka eegteen daahroggoodan caafimaad ee muhiimka ah.

Website-ka ayaa Professor Bharat Bhushan, PhD, ka soo xigtay inuu yiri: “Waxaan xoogga saarney inaan ogaanno wadada ay kaneecadu wax u qaniinto, dhowr daqiiqo iyadoo qofka qaniinsan ayaan haddana la dareemayn, markaa waxaan doonay inaan ogaanno haddii ay noo suuraggal tahay inaan soo saarno irbado noocaas oo kale ah.”

Waxa uu tilmaamay “Waxaa hadda laga shaqeynayaa inaan fahamno qaniinyada kaneecada ee dadka iyadoo aan na-xanuujin ama aanaan dareemin, si aan usoo saarno nooca koowaad ee irbadda aan rabno.”

Bhushan, waxa uu carrabka ku adkeeyay iney aad ugu dhow yihiin iney soo saaraan Labo nooc oo irbado ah, tan koowaad: mid durniinka suuxdinta ah loogu talagalay, tan labaad; mid dhiigga lagu qaado isla markaana loogu talogalay durniinka caadiga ah ee daawooyinka.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here