“YouTube” oo Soo Kordhiyay Adeeg Cusub oo Muuqaallada Aad Sii Duubatay “Live” Kuugu Baahinaya

0
777
Kiev, Ukraine - August 25, 2014: Different popular social media icons in a group folder on android smartphone homescreen.

“YouTube” oo Soo Kordhiyay Adeeg Cusub oo Muuqaallada Aad Sii Duubatay “Live” Kuugu Baahinaya

 

Adeegga Muuqaallada ee ugu caansan Adduunka “YouTube” ayaa ku dhawaaqay cusbooneysiinta barta lagu sameeyay oo uu ka mid yahay adeegga “The Premieres”, dadka muuqaallada sameeyaa waxa uu u ogolaanayaa iney muuqaalladooda ay sii duubeen Live lagu daawado.

Sida uu faafiyay website-ka “TOI” ee dalka India, bandhigga koowaad ee muuqaallada Live-ka waxa uu bilaabanayaan maanta, iyadoo xilli dhow adeegga loo fasixi doono dadka oo dhan. Neil Mohan oo ah madaxa mas’uuliyiinta wax-soo-saarka YouTube, ayaa waxa uu yiri: ” Marka la doorto Premiere, si automatic ah ayaa waxaa u sameysmaya bage muuqaalka ula dhaqmeysa sidii inuu Live yahay oo kale oo si toos ah ayaa loo daawanayaa.”

Waxaa la filayaa in adeeggan “The Premieres” Labo isbuuc gudahood si dhameystiran dadka oo dhani ay ku helaan. Dad kooban ayaa hadda si tijaabo ah loogu sii fasaxay oo maantaba loo furay.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here