Wararkii ugu dambeeyay doorashada Turkiga iyo Erdogan oo loolan adag la kulmaya

0
769

Wararkii ugu dambeeyay doorashada Turkiga iyo Erdogan oo loolan adag la kulmaya

Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Turkiga ayaa maalinta berri oo Axad ah si wadajir ah u dhici doont, iyadoo maanta la soo gabagabeynayo ololaha doorashada ee ka socday dalka oo dhan.

Doorashadan ayaa uga duwan tahay doorashadii hore, iyadoo taariikhda Turkiga markii u horeysay hal mar ay dhici doonto doorashada Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada.

 

 

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa maalimihii u dambeeyay olole aad u xooggan ugu jiray sidii mar kale loogu dooran lahaa xilka, waxaana haddii la doorto uu yeelan doonaa awoodo kale duwan.

 

 

Hase ahaatee Erdogan ayaa la kulmaya loolan xooggan, waxaana saadaasha ay tahay mid aad isugu dhow, iyadoo suurta gal tahay in la aado wareeg labaad oo doorasho ah, ka hor inta aan lagu kala bixin.

 

 

Is bedelada siyaasadeed ee uu galayo Turkiga ayaa waxaa ka mid ah inay ka guurayaan qaababkii hore, isla markaana qaab dhismeed cusub la galayo, sida in la baabi’inayo Ra’iisul Wasaare, waxaana howshiisa la wareegaya Madaxweynaha oo isku noqonaya Madaxweynaha Jamhuuriyada ahna madaxa laanta fulinta ama Xukuumada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here