Ingiriiska oo Taleefoonnada “Smartphone” ah Laga Mamnuucayo Iskuulaadka

0
919

Ingiriiska oo Taleefoonnada “Smartphone” ah Laga Mamnuucayo Iskuulaadka

 

Wasiirka dhaqanka Ingiriiska “Matt Hancock“, ayaa ku baaqay in iskuulaadka laga mamnuuco taleefoonnada Smartphone-ka ah inta lagu gudaha jiro xiisadaha waxbarashada, isagoona ka digay khatarta ay u leedahay waxbarashada ardayda.

 

Hancock oo maqaal ku qoray jariidada Daily Telegraph ayaa waxa uu yiri, macallimiinta waxaa waajib ku ah iney caruurta mobile-llada ka ilaaliyaan xilliga saacadaha waxbarashada lagu jiro, waxaa dhigi karta in qalabka uu saameyn aan wanaagsaneyn uu ku yeesho howlgudashada waxbarashadooda.

 

 

 

Xubno ka tirsan xisbiga muxaafadka ee UK maamula ayaa iyaguna faafiyay qoraallo ay ku taageeryaan ra’yiga wasiirka, waxey carrabka ku adkeynayeen iney lagama maarmaan tahay in iskuulaadka laga mamnuuco.

 

 

 

Alex oo ah macallin hore iyo la-taliyaha gaar ah ee Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska Theresa May, ayaa isna dhankiisa ka hadlay saameynta mobile-ku ku yeelanayo caafimaadka caruurta.

 

 

Alex waxa uu leeyahay daraasaadka la sameeyay ayaa sheegaya raadka aan wanaagsaneyn oo taleefannadu ay ku yeelanayaan xasuusta iyo caqliga, xitaa haddii uu mobile-ka miiska iska saaran yahay ama uu boorsada ku jiro.

 

 

 

Si kastaba, dalka Faransiiska ayaa waxaa ka dhaqangalay bisha September ee soo aaddan sharci iskuulaadka looga mamnuucayo taleefoonka Smartphone-ka ah iney ardaydu la galaan.

 

 

 

 

 

 

Maandeeq FM     

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here